Cali Cilmi Af-Yare
Mashiiqsi
Gabaygan
wuxuu ka mid ahaa silsiladii Hurgumo wuxuuna abwaanku tiriyey 1979
isagoo
xilligaa joogay magaalada Muqdisho. Wuxuu ugu jawaabayey Khaliif
Sheekh
Maxamuud oo ahaa ninkii bilaabay silsilada. Wuxuu yidhi Cali Cilmi Allaha
u
raxmee:
· In dhoweydba Miinleyda gabay, waanigaan marine
· Waa taan ka maaliyey halkiyo, mooshinkii Guba e
· Maantana haddaan lay mudmudin, uma muraadeene
· Mufti shiikh ah madal laysu yimid, culimmo maageeran
· Minhaajkiyo tuxfaha qiil haddii, laysu mari-waayo
· Ma'wiga laga cabbiyo waa muqniga, inan ku laabtaaye
· Nin malaasan iyo jaahil waa, marin habaabaane
· Hadduu macangag yahay ruuxu waa, meesi kaa lumaye
· Maandhow ma fiicnide waxaan, magane kuu sheegay
· Maansooyinkaad tirisay iyo, gabayadaad miistay
· Macnihiyo ujeeddada kolkaan, aad u kala miiray
· Hadduu adiga kula miiggan yahay, maaha kaan rabaye
· Murre iyo wuxuu ii dhadhamay, midho dhunkaaleede
· Mullaax baan ka waayiyo waxaan, sii macaansado e
· Dhegahaygu goortey maqleen, waan mashiiqsadaye
· Geedkuba mankiyo ubaxa iyo, midho hadduu saaro
· Oo uu magooleeyo indhuhu, milicsadaaniine
· Hadduuse mudhuxsan yahay waa malluug, miiqan weligiise
· Murtina lagama helo faallo aan, loo maqaan deyine
· Miisaan culeysliyo kolkuu, waayo marinkiisa
· Milgo waxaan lahayn iyo sidii, meehanaw noqoye
· Murugo iyo ciil waa nin rag ah, meheraddiisiiye
· Inkastoo masaartiyo warmaha, lagu maleegaayo
· Ma cataabo geesiguye waa, mici-adaygaaye
· Maraabaha nabsigu waa, sidii moodda galabeede
· Masuubo iyo khayr wixii ku hela, Maaliggaa qoraye
· Mulki iyo awood ma leh nin kale, waadse moogtahaye
· Maqaadiirta Eebbahay haddaad, muran ka keeneyso
· Oo aad moodday ruux kale inuu, maamullada
haysto
· Muslinnimada aad sheegatiyo, magucu waa beene
· Mar baad dunida miid iyo karuur, malab ka leeftaaye
· Marna dacar khadhaadh iyo sun baa, laga magawshaaye
· Mugdigiyo caddada waxa ka dhigay, waa masalo weyne
· Mahad weeye Eebbahay wixii,
aad ka mudataaye
· Mar haddaadse ka iimaan
xuntahay, meeriskiyo qaybta
· Marinka aad ku joogtaaba waa, kii munaafaqa e
· Afartaa sidii macallimada, miin ma ka higgaadshay
· Majarihiisa kama leexiyee, muunad ma u sheegay
· Afar kalena mayay soo curtiyo, mililiceygii dheh
· War laas maax yar miileysi baa, loo mijiliyaaye
· Nin waliba muggii kama heliyo, waa maroorsadaye
· Gobannimada ma anaa iska leh, meerto sow maaha?
· Muddo aan yareyn baa khalqigu, noo maddiiddimaye
· Oo maydhaxdiyo dhuubka iyo, maarahow sidaye
· Oo aan maroodi u ahaa, maato koriyaaye
· Maantana ma liito ee adaa, mooye kuu ciyaye
· Maldah iyo ibliis waalan baa, maanka kaa rogaye
· Makaabkiyo dhistii igama dumin, maxashtu ii tiille
· Maradaydii way saarantahay, muunadda lahayde
· Igadhkii maqaarkiisa nacay, oo mid kale doonay
· Maahmaahda gabaygaaga waa, lagu mataalaaye
· Midigta iyo bidixdaadu waa, laba mataanoode,
· Majeerteenka aad kicisay iyo, mililka aad qooshtay
· Iyo nimanka aad madhiya tidhi, kalama maarmaane
· Abaal waa magdhow iyo inaad, maalin celisaaye
· Iyaguba markaad haysateen, waa mintidayeene
· Muruq bay ku daafacahayeen, waana loo marage
· Ma aqaan ra'yiga foororaa, meel u kaa galaye
· Mareexaanku kii kula dhashiyo, magaca sow maaha?
· Maxamuud Saleebaan xumaan, uma midoobaane
· Hadday qolo maraar yeelatoo, muusannaw kiciso
· Adigoo maslaxad eegayaa, loo miyiriyaaye
· Middidaad afeyneyso iyo, waxad maleegeyso
· Haddaad labada meelood colaad, miiggan ku abuurto
· Waxa adiga madhax kaaga noqon, waa i mari weydey!
· Haddiise mooradduug iyo dhac iyo, mahadho lay geystey
· Maqaawiir la soo xulay haddii,
muxubbo loo laayey
· Muswareenka adigaa dhigayoo, maahirtii dilaye
· Muquunadii Rashiid loo diraye, malagtay sow ma ahid?
· Maantana waxaad maagan tahay, waa midkii xigaye
· Midhatirisku goormuu muhdiyow,
kula macaanaaday?
· Madiixiyo gabaygaagu waa, kaa muraadsadaye
· Macnihii dawacadii haddaad, igu madaareyso
· Miidlaha wankiyo goortii ay, mariso reerkaaga
· Ooy maqasha kaa layso bay, kuu mashxaraddaaye
· Magligayga jiifsaday haddaad, maad ka dhiganayso
· Inkastoo magool aadan lahayn, muhasho ii qaaddo
· Ma illaawin godobtaad qabto ee, maarsashaan ahaye
· Maxaa Diini ii dhimay adaa, jebiyey mooskiiye?
· Afartaa sidii macallimada, miin ma ka higgaadshay
· Majarihiisa kama leexiyee, muunad ma u sheegay
· Afar kalena mayay soo curtiyo, mililiceygii dheh
· Mallayga iyo beeyada raggii, ad ugu maansootay
· Siwaaqroonka xeebtiyo marsada, mooshinku is dhaafo
· Muuse iyo Ismaaciilka Bari, kuma maqlaayaane
· Iyagoo mareeg lagu xidhay oo, moora lagu ooday
· Musbaaxdii kacaanku u shiday bay, mahadinnaayaane
· Mas qaniinyo kama daalo iyo, micida dhiigeeye
· Moxog nimaad u diirtiyo marduuf, midad ku ceebeyso
· Manaabaysay aadmiga kurtii, meel u joogaba e
· Raggii sharafta weyn kaa mudnaa, mooddey cadawyo e
· Gobannimo Isaaq muujiyoo, waa markab adage
· Maandeeq raggii dhaliyey iyo, miiddu waayaga e
· Muxubbiga kalgacalkaan u qabo, waa mid igu dheere
· Ingiriiska nimankii miraye, moodharrada saaray
· Mufsadka iyo Gaalada raggii, mariyey gaalleefta
· Maqruun kuma sifeyseen haddaan, maanku kaa tegine
· Maskaxdii nin yari cayda way, saga muraadaaye
· Ogaadeenka aad maagtay iyo, midabtakoorkaaga
· Ma oggoli Dhulbahantaa ku diley, oo ku mowtiyaye
· Mutukhnaanta iyo waa nebcahay, keli maqiiqnoowe
· Inkastoo milxiis iyo nin xumi, nagu dhex meeraayo
· Muslimka haygu dirin wadajirkaa, lagu macayshaaye
· Masallaha dhulkiyo ciiddu waa, mahuradaadiiye
· Meermeerka iyo guuldarrada, kugu madoobaatay
· Waxba muujinmeyside cidlaad, malandahaysaaye
· Mar haddaad Amxaar miridhle iyo,
mooriflaha raacday
· Mingistiyo dirkiisaad tahaye, hay maxooliyine,
· Magacaa ba'yaye ma adigaa, ila Majeerteen ah?
Salaan Carabeey
Waar tolow colka jooja
1. Baashow
daliil gabay ma jiro, nin igu doorshaaye
2. Halka
dooyna laga naadiyaan, duunka weriyaaye
3. Dux
markaan ka garan waayey, baan daayey waayahane
4. Kol baan diririyaa sidi cirkoo,
da’ kaliilaaye
5. Xaluun baan digiriyey sidii,
wadaad diin u haajiraye
6. Dabuubtaan la yeedhana Rabbaa,
duusha weligeede
7. Waa daabac aan go’in midkaan,
duco bilaabaaye
8. Daadxoorta
iyo mawjaddaan, kala dabbaalaayo
9. Dacartaan wadnuhu hayn karayn,
daari feedhaha e
10. Waa daafi yaridii horee, aan idin
deeqsiiyo
11. Dibna waxaan u idhi xaajo, waa dux iyo
hawraare
12. Reer
Faaraxeer kala durkee, kala duddeynaaya
13. Aan
uu Ducaale iyo Seed, ha igu diideene
14. Duugeeda
belo wuu helaa, nin u dadaalaaye
15. Nimanyahow
tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha
16. Dunjiga
Nuux Ismaaciil tashiga, daaha laga saarye
17. Deegaa
Reer Axmedi wiilashii, timirta diiqaayey
18. Xasandabadna
reer Jaamicii, kala dabayl raacye
19. Aroos
dama damaashaad iyo naas, daawashada geedka
20. Dibna
hadal ka yimid baa cag-geel, loogu daw galaye
21. Deelqaaf
fagaaraa Iblays, kugu dukhuulaaye
22. Nimanyahow
tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha
23. Dalaalkuu
laqwiyey Reer Shirdoon, danafsigii eedye
24. Dalanbaabigii
Dhamal wuxuu damac, lahaa leefye
25. Bah-Godabiirsi
danab baa ku dhacay, dimishigii goofe
26. Nin
darraad lumiyo naagihii, dulube ooyaaye
27. Reer
Geeddigii dibada maray, daadi amarkiiye
28. Nimanyhaow
tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha
29. Reer
Sugulle dakhar wiil yar baw, sidey dubaaqdiiye
30. Waa
taa degmada laysku furey, dabadi looyaane
31. Dulmi
hadduu qabsaday Eebaheen, daayinaa jire e
32. Dubaaqii
qabriga hawgu turo, dabaqi naareede
33. Dummadii
Xirsuu saaran yahay, Dubur raggii yiile
34. Doolaabadii
boqor hadduu, damacsanaa weeye
35. Dabar
qaaday Reer Diiriyihi, damaca waallaaye
36. Duudsuu
ku dhacay ina Ammaan, dib-u-heshiintiiye
37. Nimanyahow
tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe
38. Reer
Cali-garaa isugu darraa, dil iyo qoomaale
39. Dekenidii
qabaalkii raggii, dumiyey qoomeeye
40. Waa
dawri Buuhoodlahey, dir u lahaayeene
41. Waayadanba
dabataa fadhiday, daalinoo col ehe
42. Durba
waranka waysugu dhaqsaday, dooxanaa madhane
43. Ma degdego nin dirirtii ogaa, dooxadii
Garabe
44. Ku
dibsade Daboolan iyo Cadey, danabadii yiile
45. Dabkuu
Aadan shidey Ina Gallaydh, durugsigii waaye
46. Danbarkeeda
dhaxal xaajaduu, doortay Reer Gorode
47. Nin
dardaarankii Cumar hayaa, mudanihiis daaye
48. Nimanyahow
tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe
49. Ararsame
dulmaa kala qabsaday, dirirti caymeede
50. Daaroodba
maqal xaajadii, daahirka ahayde
51. Dubku
hadduu ku nixi Reer Wacays, deleb shixii raacye
52. Tuka
lagama dadin wiilaashii, wada daboollaaye
53. Ma duugine sidii bay lafuhu, dibad u
yaalliine
54. Daris
waxaa aqbalay reerihii, dawladda ahaaye
55. Markuu
sheekh cilmiga daakiraa, fiqi duceeyaaye
56. Diinta
wadaad kama aflaxo, xaqa ka doodaaye
57. Koley
deeradiyo cawsha tahay, doqontu waa quuse
58. Iyana
waa isdoontaan kolkay, kala dibboodaane
59. Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha
e
60. Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida
jeedaashe
61. Dayax soo iftiimiyo qofkaad, dahabka
moodeysay
62. Wax
Dallaayad laysugu rogmaday, darabka saarraaye
63. Jeerow
dabriyo lays markaday, dooyo iyo weerar
64. Cali
diid halkaan maalintaa, dawga ku ahayne
65. Daaqiyada
mawdkii dhadhami, wuu duraansadaye
66. Bah
Idiris ma dayin Reer Jibriil, digasho loolkiiye
67. Ninna
Faarax kama daawo gelin, xaalki loo dilaye
68. Dugaag
baa hirqaday feedhihii, darabta weynaaye
69. Col
dareeray duukiyo lalabo, dirayo sheydaanku
70. Danabaysiga
nimankii badnaa, duraha jiilaalka
71. Dawriyaha
Reer Muusihii, dad u itaal sheegtay
72. Daleelii
wareeg baa la dhigay, duco qabeenkiiye
73. Nimanyahow
tolnimo waa dugsiye, duinda jeedaasha
74. La
dalleensay Nuux Maxamedkii, idinku deyrraaye
75. Daaraha
la ridey sura madow, dumarka ooyaayey
76. Dugayeyda
naagaha hablaha, dibadda meeraaya
77. Haddaan
dayey dayaca Reer Barrow, daran ammuurtaase
78. Warsow
kama diqootaan ilmada, dibiqle guudkooda
79. Dalki
waxa xukuma Reer Warsame, dixida weynaaye
80. Imankay
degmada soo fureen, daranti tiigeete
81. Duddo
reerka loo dhigay haddii, Dagel la waaheelo
82. Duleedkaa
mus laga joojiyaa, dibadda dhowree e
83. Ragna
mudanihiisa saw dugsiya, dah iyo gaashaane
84. Meeshii
dalleenaa libaax, degi ka eegtaaye
85. Magacna
waa diboo dhalashadii, loo demeli waaye
86. Ayaan
idin diqdiqin waano, aan durina aafeyne
87. Danba kama leh Reer Faaraxaan,
docoginnaayaaye
88. Wax balaayo lagu diimiyaa, duul ku
waajibay
89. Colkan
Habar-Jeclada loo dudi, daw kalow furane
90. Allow
yaa caruurahan durdurin, kala dillaameeye
Comments
Post a Comment